Sidani si maahee: Xaggee Puntland ku socotaa?

Khamiis 16 kii abriil 2015 wuxuu madaxweynaha DFS Xasan Sheekh ka furay Degmada Cadaado shir ay isugu yimaadeen dadka dega Koonfurta Mudug iyo Galgaduud oo ay maamul ku samaysanayaan. Maamul samayntaan ayaa waxay soo jiitamaysay laga bilaabo markii Villa Somalia 30 julay 2014 la sheegay in lagu saxiixay Heshiis maamul loogu samaynayo ”Mudug iyo Galgaduud” kasoo ay dawlada Puntland dalbatay in la cadeeyo waxa loola jeedo ”Mudug” maadama uu Puntland ka tirsan yahay Waqooyiga Gobolka Mudug.

Ugu dambayn waxay DFS iyo Puntland isla meeldhigeen kuna heshiiyeen 14 ki oktoober 2014 heshiis ka dhacay magaalada Garoowe, kaasoo dhigayey in maamulka loo samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud kaasoo ah maamul aan buuxin sharuudii Dastuuriga ahayd ee ahayd laba Gobol iyo wixii ka badan ayaa dawlad noqon kara. Kooxda xasan ayaa qaylo afka furtay iyagoo ka soo horjeestay heshiiskaas, halkan ka dhagayso Cabdiqaybdiid ama halkan

Madaxweyne xasan iyo kooxdiisu xilkii ayey ka qaadeen Raysul Wasaare Cabdiwali oo heshiiskaas saxiixay. Ugu dambaytiina wuxuu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan, 16 ki abriil, in maamulka loo samaynayo labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud ayna dadkoodu ku dhan yihiin Cadaado, halkan ka daawo. Waxaa kaloo taas kaba sii darnaa in uu magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uu siiyo ”Galmudug” isagoo yiri waan imaan jiray magaalada Gaalkacyo oo laguma hoyan karin inta aan la dhisin maamulka  Galmudug oo hurmarka ay magaaladu gaatay waxaa keenay Cabdiqaybdiid!! Halkan ka dhagayso.

Halkan ka dhagayso

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji ayaa inta aan shirka la furin ka hadlay wuxuuna sheegay in ay ku heshiiyeen DFS in uu ahaado waxa la dhisayo maamul ku meel gaar ah oo aan buuxin sharuudii dastuurka isagoo hadhow ku biiri doona ciduu doono si uu u noqdo dawlad. Waxaa shalay oo 17 ka abriil ahayd u jawaabay madaxweyne  Xasan oo si cad u sheegay in dadka labadaas gobol ku dhan yihiin Cadaado waxa ka soo baxayana uu yahay maamul buuxiyey Sharuudii dastuuriga ahayd.

Halkan ka daawo jawaabtii madaxweyne Xasan

Ilaa iyo iminka wax war ah kama soo bixin dawlada Puntland iyadoo madaxweynihii u sareeyey Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waajibka Dastuuriga ah ee uu ku dhaartay ay ahayd in uu dalka difaaco uu safar dibada u aaday isla maalinka uu madaxweyne  Xasan shirka ka furayey Cadaado.

Isla Khamiistii 16 kii abriil 2015 waxaa caasimada Puntland ka dhacay wax aan hore Puntland intay jirtay aan u soo marin taasoo ah in Xildhibaan wata Tekniko iyo Ciidankii Madaxtooyada Puntland uu soo weeraro Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xukuntay eedeysane Maxamed Cabdi Cabdullahi ayna si xoog ah kula baxaan Maxkamadda ninkaas maxkamadu xukuntay.

Dhagayso Axmed Maxamuud Ducaale (Duuje) oo Dowladdii Cabdiraxmaan Faroole ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland

Fiidnimadii Jimcaha 17 kii abriil 2015 waxaa Alshabaab mudda kooban la wareegtay Saldhigga Baalade ee magalada Bosaso. Iyadoo ay kooxda Al Shabaab joogtaysay weerarka ay ku qaadayso Caasimada Ganacsiga Puntland ee Bosaso waqtiyadii u dambeeyey, taasoo ku timid habacsanaan xaga maamulka iyo ciidanka ah, Halkan ka akhriso.

Waxaan warbaahinta Puntlandes.com ka akhristay in maanta oo ah sabti 18 ka abriil 2015 uu Duqa magaalada Garoowe Qabsaday xurunta wasaarada maaliyada ee Puntland ka dib markii uu ka waayey lacagtii uu ku shaqayn lahaa maamulka magaalada Garoowe Halkan ka akhriso.

Waxaa shacabka reer Puntland la soo dersay yaab, Anfarii, ”Argagax” iyagoo uu wel wel xoog badan la soo dersay. Puntland-tii la aasaasay Agoosto 1998 dii waxay maanta joogtaa allahayoow ma ka badbaadi doontaa qarka ay ka lulato?

Mar haddii ay Somaliland isku fidinayso Gobolada Sool, Sanaag iyo cayn, mar haddii maalin cad rag doonayaan in ay Gobolka Mudug BOOBAAN, mar haddii uu amnigii faraha ka baxay, mar haddii ay luntay kala dambayntii dawladnimada waxaa waajib ku ah ruux kasta Muwaadin reer Puntland ah meel kasta ha joogee in uu fadhiga ka kaco BADBAADIYANA PUNTLAND, waana mas’uuliyad saaran shacabka in ay Badbaadiyaan Puntland.

Waxaan ugu baaqayaa Isimada, waxgaradka, Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Dhalinyarada iyo Haweenka in la babaadiyo Puntland. Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhamaan shacabka reer Puntland in aynu xaalada maanta jirta aynu eegno iskana dayno Shaqsi difaac. Madaxweynihii aynu dooranay 8 jan 2014 Cabdiwali Maxamed Cali Gaas wuu ku FASHILMAY xilkii aynu u dhiibanay waxaynu u baahan nahay in aynu talo isugu noqono.

945

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

 

About The Author