War Deg-deg ah: Qarax ka dhacay meel ku dhow hotel Central ee magaalada Muqdisho

Gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ku qarxay Maqaaxi laga cunteeyo oo ka soo horjeeda hotel Central ee magaalada Muqdisho. Maqaayadan oo Banooda lagu magacaabo ayaa la ag dhigay gaari walxaha qarxa ay ku jireen xilliga qadada, dad badan ayaa waxyeello ka soo gaartay sida ay sheegayaan dad goob joogeyaal ah.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan ismiidaaminta ah iyadoo halkaas ay gaareen ciidamada ammaanka,

Bishii February  20-keedii ayaa qarax ismiidaamin ah lala eegtayHotel Central ayaa waxa uu sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlada Federalka Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha kala soco Puntlandes,com

Puntlandes,com.

About The Author