Ra’iisal wasaaraha DFS, Anaga iyo Puntland xiriir aad u wanaagsan baa noo dhexeeya,

0

Muqdishu (Pes): Ra’iisul wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay xiriirka u dhexeeya DFS iyo Puntland in uu aad iyo aad u wanaagsan yahay. Sidaas wuxuu Ra’iisul wasaarahu ka yiri waraysi uu siiyey Radio Muqdisho.

Hadalkaan ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha wuxuu imanayaa xili uu mudo sanad ah g,onaa xiriirka Puntland iyo Xamar. Wuxuu kaloo ku soo aadayaa iyadoo aysan jirin meel ay ku heshiiyeen labada dhinac.

Waxaa jartay xiriirka Puntland la lahayd Xamar dowladii uu hogaaminayey Dr Faroole. Iyadoo sababta loo gooyeyna xiriirka ay ahayd dowlada Xamar oo bedeshay si iskeed ah dastuurkii Soomaaliyi ku heshiisay. Taasoo ah sharci daro.

Wuxuu kaloo hadalka Ra’iisul wasaaraha DFS ku soo aadayaa iyadoo Puntalnd sidii uu xilka u qabtay Dr Gaas, 08-01-2014 ay noqotay wado halaqyo mareen ah oo nin walba wuxuu doono ka samaysto. Dr Gaas wuxuu gaday Puntland oo uu Xasan Kheekh ka gatay. Gadniinku maaha lacag oo kaliya wax walba buu noqon karaa. Wuxuu nonon karaa hanqaltaag Vila Xamar oo ku jira Gaas deetana uu isleeyay abaal ka dhiga dadka Xamar ku habsaday.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *