FAALO-Dhagayso: Sharmarke oo noqday Afhayeenka Rasmiga ah ee Dam Jadiid ”Wixii Dastuurku uusan qabin Somali oo dhan ayey utaalaa”

22d

20 july 2015 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha dawladda Xamar Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo soo gaaray Puntland ilaa 13 kii july ayaa shalay wuxuu safar lug ah ku soo maray Garowe ilaa Gaalkacyo isagoo dadweynaha magaalada Buurtinle u jeediyey Qudbad ay aad shacabka reer Puntland ula yaabeen kadib markii ay cadaatay inuu yahay Afhayeenka Kooxda marooqsatay taladii dalka Soomaaliya ee Dam Jadiid.

Erayadii aadka loola yaabay ee Cumar ku hadlay waxaa ka mid ahaa markuu ku dooday sida Cabdiqaybdiid iyo Xasan Sheekh ku doodaan in magaca Mudug ay wada sheegta Puntland iyo maamulka Caddado oo uu mid walba Dastuurkeeda ku yaal inay iyadu leedahay!!!! Halkan ka akhri qaraal ay ka qortay arrintaas warbaahinta Puntlandes

157e

Waxaa kaloo Riwaayadii uu Cumar Buurtinle ka sheegay ka mid ahaa inaysan macquul ahayn in Puntland tiraahdo Federaal baan doonaynaa mana doonayno in maamulo dhismaan isagoo ula jeeda maamulka aan sharciga waafaqsanayn ee ay DFS ku dhoodhoobtay Degmada Cadaado. haddii kaasoo Gobol iyo Bar ah la aqoonsado soow berrina Gobol maamul noqon mayo yaa u diidaya haddiiba la iska tuuray dastuurkii laguy Heshiiyey?

Isagoo u jawaabayey waxgaradkii halkaas ka hadlay oo soo xigtay inaysan dastuurka Federaalka aysan waafaqsanayn maamul Gobol iyo bar ka kooban ayuu Sharmarke ku jawaabay maxaa idinka idin ka galay Dastuurka Soomaalida oo dhan ayey u taalaaye idinku ”aqoonsada” oo la shaqeeya maamulka cadaado!!!! CAJIIB.

Siday ka noqotay Cumar ma waxaa indho tiray Taageerada uu u hayo Kooxda Dam Jadiid? Ma wuxuu u baqayaa kursigan magac u yaalka ah? Mise daacad bay ka tahay oo aqligiisaa sidaas siiyey? Mise dantiisaa ku jirta?

Soomalidu waxay ku heshiisay Dastuur lamana ahaan karo dawlad iyo dal mida haddii aan loo hogaansamin wixiii ummaddu ku heshiisay, macquulna maaha inay dawlada iyo Shacabka Puntland aqnbalaan in lagu tunto wixii ummaddu ku heshiisay.

Waa ku ceeb Cumar haddii uu ka mid noqday Kooxda Dam Jadiid inuu shacabka reer Puntland u jeediyo Qubdbad ay Kooxda Dam Jadiid usoo qortay uuna ku hadlo afkii Xasan Sheekh iyo CabdiQaybdiid cid ka yeelaysaana ma jirto.

Waa ku Ceeb Cumar oo Soomaalida oo dhami u hanwaynaayeen inuu ku dambeeyo sidatan uuna u noqdo Kooxda Dam Jadiid FARIIN qaade. Hadduuse saas doorbiday isagay u taalaa kamana yeelayaan reer Puntland FARIINTA loo soo dhiibay waxayna waligood ilaalin jireen wixii Soomaaliyi ku heshiisay wayna ku dhaganaan doonaan taas, iyagoo ah ilaaliyayaasha Dastuurka.

Dhagayso Qudbadii Cumar ee lala yaabay

Puntlandes.com

About The Author