Maamulka xasan Sheekh oo mamnuucay in dawladaha xubnaha ka ah heshiis la alaan shisheeye

12 Jan 2026 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii maanta sidoo kale ansixiyey Hindise-sharciyeedka loogu yeeray Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda F. Soomaaliyeed, Hindise-sharciyeedka Taxkiimka iyo Xeer-nidaamiyaha Sharciga Adeegyada Shirkadaha.

Hindise Sharciyeedka illaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed oo ka kooban dhawr iyo tobon qodob, ayaa mamnuucaya heshiis kasta oo ay maamul hoosaadyada iyo hey’adaha gaarka ah la galaan cid shisheeye ah, iyada oo aanan wax ogeysiin iyo oggolaansho laga haysanin dowladda federaalka Soomaaliya, korjoogtayna aysan ku lahayn wasaaradda uu heshiiskaas khuseeyo.

About The Author