Muuqaal: MD Axmed Madoobe “DFS, Waa dowlad dayday ah, Waa koox qowlaysato ah, oo shirkad ah, Majiri doono hadal dambe oo diblomaasiyad ah, waxaan qaadan doonaa go’aano ad-adag oo dalka lagu badbaadinayo”

1a1a5

14 Jan 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ayaa sheegay in dawladnimadii Soomaaliya ay jid halis ah kusocoto, isagoo ku eedeeyey Madaxda DFS in ay nidaamka burburinayaan, wuxuu sheegay in dawladnimadii ku koobantay Muqdisho.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay arrinta Somaliland ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin gartooda, laakiin ay ka raadiyeen meel fog oo ay jiri kartay meel ka dhaw, isagoo sheegay in jidka ay Soomaaliya ku socoto ay halisyo cusub ka dhalan karaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in haddii aan gacmaha la qaban Xassan Sheekh, ay dhici karaan Puntland iyo Jubaland ay qaadaan dhabo ay gaar iskugu tashanayaan, kana durugsanaan karta halka hadda Somaliland laga hadlayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii laga hadli jiray diyaarad saaran Hargeysa, balse ay arkeen in diyaarad Drone ah oo Soomaaliya caalamku siiyey lagu weeraray ciidanka Jubaland ee Raaskambooni, oo ay taas muujinayso masuuliyad daradda Hoggaanka Dawladda Federaalka.

Go’aanka dekedaha saameynaya ee kasoo baxay dawladda Faderaalka ayuu sheegay in aysan waxba ka bedeli karin xaqiiqada dhulka taala, isagoo tilmaamay in DFS ku fashilantay maamulida Hawada oo ay siyaadeysay, isku dayga dekeduhuna yahay mid aan suuragal ahayn.

“DFS, Waa dowlad dayday ah, Waa koox qowlaysato ah, oo shirkad ah, Majiri doono hadal dambe oo diblomaasiyad ah, waxaan qaadan doonaa go’aano ad-adag oo dalka lagu badbaadinayo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka digay in haddii uu madaxweyne Xassan Sheekh 20ka bishaan ku qaban waayo shir looga hadlayo doorasho heshiis lagu yahay ay Jubaland doorasho bilaaban doonto, oo doorashadu aysan ahaan doonin 15ka May, ee kahor la sameyn doono.

About The Author