Baarlamaanka Puntland “xuduudda dawladda Puntland waxay ku caddahay qodobka 7aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ay yihiin lama taabtaan”

1a1a8

15 Jan 2026 (Puntlandes.com) Golaha wakiiladda Puntland oo bayaan soo saaray kaas oo ay uga hadlayaan xaalada dalka ayaa caddeeyey in xuduudda dawladda Puntland ay ku caddahay qodobka 7-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ay yihiin lama taabtaan.

“Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, oo wakiil ka ah Goleweynaha iyo shacabka Puntland, wuxuu hoosta ka xariiqayaa in xuduudaha Puntland ee ku cad Qodobka 7-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland ay yihiin lama taabtaan, lagumana xadgubi karo, lamana kala qaybin karo, isla markaana aan faragelin gudaha ah iyo mid dibadeed toona lagu samayn karin.

Golaha wakiiladda Puntland wuxuu caddeynayaa in Dowladda Federaalka ee loo idmaday ilaalinta midnimada ummadda, ay gabtay kaalinteedii ku aaddanayd adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxyaabaha dhacayana ay iyadu mas’uul ka tahay, kaddib markii ay ku mashquushay kala qaybinta, isku dirka, cunaqabataynta iyo cadaadinta lagu hayo dadka Soomaaliyeed.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, isagoo ka duulaya danaha uu u dhaartay ee dadka reer Puntland, isla markaana tix-gelinaya xiriirka ganacsi ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo taageerada mugga leh ee ay Imaaraadku siiyeen Puntland gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarka, iyo la dagaallanka Daacish iyo Al-Shabaab, wuxuu Guddigu si buuxda u taageerayaa war-saxaafadeedkii Xukuumadda Puntland ee soo baxay 12/01/2026. Sidoo kale, Guddigu wuxuu uga mahadcelinayaa Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland”

About The Author