Justin Davis oo soo magacaabay ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya
15 Jan 2026 (Puntlandes.com) Justin Davis ayaa loo magacaabay ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, isagoo ku hawl-galaya sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Washington iyo Muqdisho, iyadoo markasta door la siinayo siyaasada Trump ee Mudnaanta Mareykanka “America First”.
Justin Davis ayaa horay u ahaa Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya. Trump ayaa ku daray Soomaaliya dalalka Afrika ee uu safiirada uga yeertay, maalin ka hor ayaana la macsalaameyey Safiirkii USA ee Soomaaliya joogay.