Muuqaal: Wasiir Fiqi “Burco & Hargaysa goor aan dheerayn ayaa laga suri doonaa Calanka Buluuga ee Soomaaliya”
15 Jan 2026 (Puntlandes.com) Wasiirka Gaashaandhiga DFS Axmed Macalin Fiqi ioo maanta booqday jiida hore ee maamulka WB gaar ahaan aagga Guumays ayaa sheegay in shacabka Burco, Hargaysa iyo Boorama laga xorayn dopono wax uu ugu yeeray “Goonigoosad”
Wasiir Fiqi asyaa yiri “Burco & Hargaysa goor aan dheerayn ayaa laga suri doonaa Calanka Buluuga e Soomaaliya.”
Dhanka kale qoraal uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri in dhawaan dabaysha midnimadu ku fidi doonto deegaanada yar ee ku haray goonigoosadka.
Hoos ka akhri qoraalka:
“Waxaan booqasho ugu tagay maantay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo ciidamada Daraawiishta Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari – Soomaaliya ee ku sugan aagga Guumays.
Waxaan kula dardaarmay xoojinta nabadda, ilaalinta midnimada dalka iyo ka hortagga mashruuca shisheeye ee kala goynta dalka.
Waxaan aad ugu farxay iina soo jiitey in Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kan ciidmaada XDS iyo kan dalwad goboleedkuba ay ka babanayaan Guumays oo ay sanado dhow ka hor intuba ay ka reebanaayeen, waxaana rajaynayaa in dabaysha midnimadu ay ku fidi doonto kol aan dheerayn deegaanada kooxaha Yar ee gooni-goosadka gacantooda ku haray.”