Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood

16 Jan 2026 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta WB, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Firdhiye.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka WB, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Laascaanood waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka WB.

About The Author