Dhagayso:- Boosaaso” Ganacsatada Gaadiidka Oo Kacabanaya Iskaashatada Gaadiidka Dalmar

15 jan 2017 (Puntlandes) Qaar kamid ah mulkiilayaasha gaadiidka Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa sheegay in iskaashatada waqtigeedii dhammaaday  ee Dalmar ayna kusoo rogtey lacago xad dhaaf ah xili sida ay sheegeen iskaashatadu dhinac martay wixii lagu hishiiyay.

20160901_100410 (1)

“waxaan kudhisanay kuna hishiinay inay iskashatadu qabato shan qodob oo kala ah shilalka gaadiidka inay toosiyaa, waxaanu u aas asanay laamiga bur bursan,iyo buundooyinka go,a ee aan marayno lacagtay naqa qaadaan inay ku dhisaan, Gaadiidka qaabilku qabsadan lagu furdaamiyo dhaqaalaha ayna qaadan dhamaan waa ay ka wecenden waxay noogu badaleen musuq sidaa waxaa yiri mid kamida Gaadiidlayda hadlay.

Kun iyo labo boqol oo gaari ayaa waxaa ay ku midoobeen iskashatada dalmar waxaana maal mahaan gaadiidlaydu tagayeen xarumaha cadaalada gobolka bari sidii wax looga qaban lahaa iskaashatada waqtigeedu dhamaday qaybo kamida dowladana warbixinta way arkeen sidaa waxaa sheegey mid kamaida gaadiidlayda.

Cabashada Gaadiidlayda isugu jira mulkilayasha iyo wadayaasha ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xili shalay wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka dowlada Puntland shaacisay in iskaashatada hada jidha waqtigeedu dhamaaday bisha saddexaad ee sanadkan doorasho iskashato cusub dhacayso

Hoos ka dhagayso

Hoos Ka dhagayso Codka Wasiir C/rishiid iskashatada uga hadlay

About The Author