Dhagayso:- Axmed Cabdala Tigaana”Qaabka Ay Socdaan Ciyaaraha Horyaalka Puntland Wali Soomaaliya Kama Dhicin

15 jan 2017 (Puntlandes)Aaasimaha Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland Axmed Cabdalle Tigaana ayaa sheegay in tartanku u socdo si habsami leh waxaana uu sheegey inuusan wali koob lamida Soomaaliya ka dhicin madama kooxuhu shuuradaha buuxiyaan iskuna booqanayaan magaalooyinkooda.

IMG_4738

Tigaana ayaa waxaa uu sheegey in koobabka horyaalada ee muqdisho laga ciyaaro ay yihiin kuwo aan kooxuhu is booqan karin ayna ku ciyaaraan garoonka koonis oo kaliya balse koooxaha Puntland ee koobka ciyaaraya isku booqanayaan magalooyinkooda.

Horyaalka heerka koowaad ee Puntland ayaa noqonaya mid tusaale fiican u ah xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo goobjoogayaal soo dirsaday madama xiriirka Soomaaliya horyaalka Soomaaliya xamar kaliya ka dhigaan sababtana ay tahay inaysan kooxaha is booqan karin.

Hoos ka dhagayso

About The Author