Dhagayso:-Saraakiisha Ciidanka Puntland Ee Gal Gala Oo Kahadlay Dagaal iyaga iyo Al shabab Dhex maray

Saraakiisha ciidanka difaaca dowlada Puntland ee buura layda gal gala ayaa sheegey in malayshiyaadka al shabaab  ay weerar kusoo qaadeen fariisinka ciidanka ee deegaanka af urur waxaana malayshiyaadka al shabab ka dileen sida ay sheegeen labaatan nin.

Sarkaalkaan ayaa sheegey in ciidanka Puntland ay ka dhinteen saddex askari halka hal askarina uu ka dhaawacmay waxaaana ciidanku jabiyeen malashiyaadkaas dagaalka oo socdey mudo afarsaac ah waxaana uu bilowday xalay shan saac isagoo dhamaaday salaada subax.

inta badan ciidanka difaaca dowlada Puntland ayaa waxaa ay dagaalo badan kula galaan malayshiyaadka al shabab buuralayda gal gala oo fariis malayhiyaadkas u ah waxaana ciidanku jabiyaan inta badan malayshiyaadkaas weerarada soo qaada

Hoos ka dhagayso

About The Author