Dhagayso+Warbixin:-Yuusuf Axmed Ciise “Waa in sharci Adag loo Helo Khamrada Ciidanka Soo qabtaan Maalin Waliba

Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Saldhiga Boosaaso ayaa waxaa uu ka hadlay khamri ciidamada boolisku soo qabteen waxaana uu codsaday taliyuhu in golaha wakiilada dowlada Puntland iyo kuwa xukuumada ay ka codsanayaan in sharci adag laga soo saaro.

Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Saldhiga Boosaaso ayaa sheegey in ciidanku maalin waliba soo qabtaan khamrada dadka watana lagu xukumo lix bilood  ama sanad  taasina aysan xakamayn karin dadka maandooriyahaan soo galinaya magaalada.

Taliyaha ayaa Laamaha amniga ka codsaday inay Cusboonaysiiyaan Sharciga Waxyaalaha kasoo horjeeda Diinta Islaamka Hadalkan ayuu taliyaha ka yiri Khamri ay soo qabteen ciidamada dawlada Puntland kuwaas oo gacanta ku soo dhigay xili ay doonayeen dadka wadda inay galiyaan gudaha magaalada.

Hoos ka dhagayso

About The Author