Dhagayso:- Dowlada Hoose Garowe Oo Bur Burisay Guryo,Sandaqao,iyo Buushash Wado Ku Jirey

Dowlada hoose ee caasimada dowlada Puntland ayaa waxaa ay bur burisay dhismayaal sifo sharci daraa uga dhisnaa wadada halbowlaha u ahaynd xaafada hodan ee degmada garowe waxaana wadadan laga dhigayaa laami sida ay masheegeen masuuliyiinta degmada .

Xasan maxamed Goodir duqa degmada garowe ayaa waxaa uu sheegey in wadadan muhiimad u leedahay dadka degan xaafada hodan ay bur buriyen dhismayaashiiw wadadu martay iyo kuwo ka dhex dhisna dhawaan ay laami saarayaan.

Qaar kamida dadkii dhismayaashooda bur buriyay ayaa sheegey inay diyaar yihiin inay baneeyaan wixii dad waynaha quseeya ayna ka qayb qaadayaan bur burinta waxaana ay soo dhaweeyeen laamiga loo saarayo wadadan oo xaaafada dhex marta.

Hoos ka dhagayso

About The Author