Dhagayso:-Wasiirada Haweenka Puntland Oo Ka Hadashay Arinta Gabdhii Degmada Goldogob Lagu Kufsaday

Wasiirada haweenka dowlada Puntland aniso xaaji Cabduqaadir oo dib Gaalkacyo ugu soo laabatay ayaa waxaa ay ka hadashay kiiska dhawaan gabar lagu kufsaday degmada goldogob ee gobolka mudug taasi oo hada lagu dabiibayo isbitaalka GMC ee Gaalkacyo.

Wasiirad Aniso xaaji cabduqaadir oo ka hadlaysay warqad dhawaan uu madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh ku sheegey in gabdha loo qaadayo xamar ayay sheegtay in dowlada Puntland ay ku filan tahay daryeelida iyo cadaalad u helida gabdhaan la kufsaday.

Aniso Xaaji Cabduqaadir ayaa xustay in maalin waliba Puntland la keeno haween xamar lagu soo kufsaday Laguna dabiibo Puntland dib loo celiyo kuwaasina ay yihiin kuwa xasan sheekh uga baahan daryeelka caafimaad ee uu gabdhan ugu yaboohay.

Hoos ka dhagayso

About The Author