Warbiixn+Sawirro:-Xukunkii Dhalinyaradii Gabdhaha Kufsaday Degmada Galdogob Oo La Fuliyay

29 jan 2017 (Puntlandes) Gudigii culimada ahaa ayaa waxaa ay fuliyeen xukunkii lagu ridey koox dhalinyaraa oo dhawaan labo gabdhood ku kufsadey degmada galdogob waxaana munaasabada xukunka lagu fulinayay joogay xeer ilaliyaha guud ee dowlada Puntland iyo xubno kamida golaha wasiirada.

Hoos ka akhri sida xukunka u dhacay:

  1. Shirwac Jaamac 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 4620$
  2. Yaasir Maahir 6 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 3520$
  3. Yaxye Cabdulaahi Awkax 7 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 1760$
  4. Ayaale Wale 8 Sano iyo 100 Jeedal iyo lacag magdhow ah oo 2560$
  5. Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal iyo lacag magdhow ah oo 1760$

Lacagta magdhow ah ee loo xukumay gabdha:

  1. Ridwaab C/fitaax C/laahi 6080$
  2. Xamdi Abshir C/lle 8140$

Waxaa la filiyay Jeedalka, waxaana fuliyay Ciidanka Dawladda Puntland

Waxaa sidoo kale lacago loo xukumay labada gabdhood ee la kufsaday iyadoona dhalinyarada la xukumay loo gudbiyay xubsiga magaalada garowe halkaasi oo ay kusoo dhamaysan karaan xukunka lagu fuliyay waxaana qaaday cutub kamida ciidanka ilaalada xabsiyada dowlada Puntland.

233-8f

Hoos ka eeg Sawirrada 

16195566_1530610667000896_3378986630744345517_n 16265261_1530610660334230_4097771452260776632_n 16387337_1530610650334231_1672084177969315880_n

About The Author