Warbixin+Sawirro:-Haweenka Gobolka Sanaag Oo Deeq Gaarsiiyay Shaqaalaha Dhisaya Wadada Ceel Daahir Iyo Ceeri Gaabo

Ururka Haweenka Al-nasar ee xaruntiisu tahay magaalada Badhan ayaa maanta RATI iyo Sharaab ugu deeqay shaqaalaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo Maayarka Degmada Badhan Md. C/risaaq Axmed Ciise iyo Guddoomisada Haweenka Dawliga ah ee gobolka Sanaag Faadumo Axmed Dhahar oo la fududeeyey ayaa bogaadiyey shaqaalaha aan daaleyn ee saacadaha badan shaqeeya ,

neefkan geela ahna ku tilmaamay dhiirri gelin iyo iney u muujiyaan sida ay u bar bar taagan yihiin shaqada Wadada iyadoo weliba gobolka ay haysato duruufo abaareed Ururka haweenka Alnasar ayaa dhankooda sheegay iney dhaqaale ururin kujireen ilaa xilligii la bilaabay dhismaha wadada xubnohooda dalka dibadiisa iyo gudahaba , ayna ku faraxsan yihiin shaqada socota.


Ururka Haweenka Alnasar ayaa xafiisyo ku leh dalka dibadiisa iyo gudahaba , kana qayb qaata horumarka gobolka Sanaag Sida ,Waxbarashada , Caafimaadka , taakulaynta dadka iyo wadooyinka
Injineerada iyo masuuliyiinta shaqada wadda ayaa dhankooda ka mahadceliyey hilibka iyo sharaabka loo keenay  shaqada wadadana kaga warbixiyey iney si habsami ah u socoto , ayna rajeynayaan iney dhowaan usoo guuri doonaan magaalada Midigale maadaama hadda shaqadu ka socoto aagga Cawsane.


Guddoomiyaha gobolka Sanaag Hon. Maxamuud Ciyoon ayaa ku tilmaamay tallaabo ku dayasho mudan oo ka tarjumaysa sida bulshadu ugu heellan tahay ka qayb qaadashada hirgelinta mashruua wadada, Madaxweynaha Dawlada Puntland na uga mahad celiyey sida uu mashaariicda ay wadada iyo ceelasha biyuhu ka mid yihiin uga hirgelinayo gobolka Sanaag .

Qoraalka Waxaa Naso Gaarsiiyay 
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Hon. Maxamuud Ciyoon

Sawirrada Hoos Ka daawo

16265239_976769872457192_8527406502922265497_n 16265559_976769619123884_804935569644800430_n 16265600_976768555790657_2986656023436360392_n 16265802_976769015790611_8204916938863036311_n 16266337_976768679123978_4621055286396317755_n 16298595_976768802457299_5670147032785633546_n 16298607_976769275790585_4465123336782220280_n 16298788_976768512457328_6373094049178331962_n 16298833_976768975790615_958044928687010014_n 16298927_976769325790580_2099622239676390147_n 16299268_976769442457235_7307725302498628893_n 16387171_976769825790530_1212979856459908368_n 16406514_976768872457292_5851252079749468059_n 16406564_976769162457263_3434866618853173423_n 16406902_976770105790502_7520219779412223177_n 16426037_976769222457257_6893363720557643793_n 16426297_976769519123894_9142934187578841498_n

About The Author