Dhagayso:-Magaaladda Garoowe waxaa ka furmay shir looga hadlayo horumarinta Tacliinta Sare ee Puntland

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay xarumaha wax barashada dowlada Dowlada Puntland  waxaana looga hadlayay tayaynta aqoonta wax ay bixiyaan waxaana shirkaan soo qaban qaabiyay Jaamacadada PSU iyo Wasaarada wax barashada dowlada Puntland .

Madaxweynaha jaamacada PSU Maxamuud Sheekh xamud ayaa sheegey in muhiimada shirkaan ay tahay sidii wada shaqayn dhow u yeelan lahaayeen xarumaha tacliinta sare ee dowlada Puntland isagoo sheegey inay muhiim tahay wada tashi jaamacadu sameeyaan .

Wasiir xigeenka waxbarashada dowlada Puntland Maxamuud cali faarax oo shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegey in loobahan yahay in lasameeyo urur ay ku midaysan yihiin xarumaha tacliinta sare sidii loo laba jibaari lahaa tayada wax barashadooda.

Hoos ka dhagayso

About The Author