Warbixin+Sawirro:-Shir Kusaabsan Amaanka Xeebaha Puntland Oo Garowe Ka Fumay

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada dakadaha gaadiidka iyo bada dowlada Puntland ayaa waxaa ka qayb galay madaxweyne xigeenka dowlada Puntland C/xakiin Cabdulaahi xaju cumar xubno kamida golaha wasiirada daneeya Puntland iyo madax kale.

Shirkaan ayaa waxaa goob jooga dhamaan hay,adaha dowlada ee la xirira arimaha bada saddex cisho oo uu soconayo ayaa looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa kaluumaysiga sharci daradaa ee ka socda xeebaha Puntland iyo sidii loo hormarin lahaa kaluumaysiga Puntland.

Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay caqabadaha ka yimid maraakiibtii xeebaha utimid howlgalkii ladagaalanka burcad badeeda iyo dhibka laga dhaxalay.

Masuuliyiinta kale ee shirka ka hadlay ayaa soo bandhigay fikarado ku aadan xal loo helo maashaakilka kaluumaysiga sharci daradaa iyo sidi loo sugi lahaa amaanka xeebaha Puntland oo wali maraakiib shisheeye ka kaluumaysaan iyagoo maraya sifo sharci daro ah

Sawirrada Hoos ka daawo

IMG_2312 IMG_2313 IMG_2314 IMG_2315 IMG_2319 IMG_2321 IMG_2324 IMG_2331 IMG_2334 IMG_2337 IMG_2349

About The Author