Dhagayso+Sawirro:-Maamulka Degmada Godob Jiiraan Ee Gobolka Nugaal Oo Ka Dayriyay Xadiga Abaarta Ay Gaadhay

Kulan ay yeesheen maamulka degmada Godob jiiraan ee Gobolka nugaal ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalka abaarta oo sii xumaanaya waxaana gabaabsi sii noqonaya goobaha ay biyaha ka heli jireen dadka iyo duunyada ku dhaqan degmada iyo tulooyinka u dhow.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Godob-jiraan Axmed Maxammed Cabdi iyo xubno kamida golaha deegaanka ayaa sheegey in meelihii biyaha laga heli jirey ay gababsi yihiin walina uusan roob di,in ayna xoolaha wali u dhimanayaan oon iyo xanuuno abaartu sababtay.

Masuuliyiintaan ayaa sheegey in goobihii biyaha laga heli jirey ay isugu tageen reer guuraa farabadan ayna tasi keentay in biyihii ay yaraadaan xili meelaha biyaha laga helo ay ku hayaamayaan reer guuraa ka kala imaanaya gobolo kala duwan.

Hoos ka dhagayso Codadka masuuliinta

Sawirrada Hoos Ka Daawo

abaaro-sax IMG-20170202-WA0005 IMG-20170202-WA0006 (1) IMG-20170202-WA0006 IMG-20170202-WA0007 IMG-20170202-WA0008 IMG-20170202-WA0009 IMG-20170202-WA0011 IMG-20170202-WA0014 IMG-20170202-WA0018

About The Author