Sawirro:-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland oo Agab Waxbarasho ku wareejisay Jaamacada Galgaduud ee Degmada Caabudwaaq

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax Ayaa agab isku jira Miisas kuraas buuggaag iyo Competero ku Wareejiyey Jaamacada Galgaduud ee Degmada   Caabudwaaq
 
Waftigan Jaamacada Galgaduud waxay kulan gaar ah la yeesheen Madaxa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Galgaduud ee arimaha Waxbarashada Prof: . Cumar Cabdi Tahliil iyo . Prof: Kamaal Xaaji oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamulka maaliyada ee Jaamacada Galgaduud ayaa booqasho gaaban ku yimi wasaardada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Galgaduud ee arimaha Waxbarashada Prof: . Cumar Cabdi Tahliil ayaa sifiican uga hadlay Taariikhda Jaamacada galgaduud iyadoo Mar xalado fiican soo martayJaamacadda Galgaduud oo tan iyo markii laga aas aasay Degmada Caabudwaaq waxaa ay samaynaysay horumar dhanka tacliinta sare ah, waxaana sii kordhayay marba marka ka dambaysa ardayda ee ay Jaamacaddu aqoonta ka waraabinayso taasi oo ku dhiira galisay in dhalin badani ay la jaan qaadeen markii Jaamacadda loo taagay dhidibada.
 
Waxaa kaloo amaanay Waxbarashada puntland meesha ay marayso.
 
Ugu danbayn booqashadani waxay albaabka u furaysaa in xiriir fiican dhex maro Jaamacadaha puntland iyo Jaamacada Galgaduud.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare Dr Maxamed Cali Faarax ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in la taageero Waxbarashada waxaana uu xusay in qofkii wax ku darsadaa Waxbarashada ay u tahay Sadaqo jaariya ah.
    Hoos ka Daawo Sawiradda
IMG-20170204-WA0001-1 IMG-20170204-WA0001-225x400 IMG-20170204-WA0002-1-524x295 IMG-20170204-WA0002-524x295 IMG-20170204-WA0003-1-524x295 IMG-20170204-WA0003-524x295 IMG-20170204-WA0004-225x400 IMG-20170204-WA0005-225x400 IMG-20170204-WA0006-225x400 IMG-20170204-WA0007-1-225x400 IMG-20170204-WA0007-225x400

About The Author