Sawirro:-Samafale Tigey”waxaan Soo Gabagabaynay Socdaalkayagii Samafalka oo Qaatay 11 Casho 23/1/2017–2/2/2017 Waxaan kasoo Shaqaynay Gobolada Bari, Kar Kaar iyo Gardafuu

Waxaannu Caawinnay Dadka Soomaaliyeed ee isugu Soo Guuray Robkii ka Da,ay Puntland Waxaannu Gargaar Gaarsiinnay Dad isaga kala Yimid Waqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag, Sool , Mudug, Nugaal, Kar Kaar, Bari, Gardafuu iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaan Gaarsiinnay Biyo Ay ku Deeqday Shirkadda Iftin Group iyoJaaliyadda Sweden Sundsval iyo Jaaliyadda Austaralia Sedney Waxaannu Samaynay 50 Goobood oo Biyo Lagu Shubo oo Ay ka Cabayaan ugu Yaraan 1000 Qoys .

Waxaan Biyo Gaarsiinnay Tuulada Qorraxaad oo Ka Tirsan Dagmada Baargaal. Waxaan kaloo Dad Gaaraya Sadix Kun oo Qoys Gaarsiinnay Raashin, Dhar, Gogol iyo maacuun. Waxaannu Dawaynay Dad Miyiga ku Xanuunsanaa kuwana waxaan gaynay Xarunta Caafimaadka Xiriiro,

waxaan Dawaynay Xoolo Bukay Waxaan Goobaha Dadku Daganyahay ka uruurinnay oo Gubnay Bakhtiga Xoolaha Si Caafimaadka loo ilaaliyo. Deeqdaanu Waxay Ahayd Tii Ay ku Deeqeen Xaafadaha Boosaaso Waxaa Hawshaan Tuulada Xubabays ee Dagmada Isku Shuban ku Daah Furay 24/1/2017 Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamad Wacays Dhado iyo Duqa Dagmada Boosaaso Yaasiin Mire .


Waxaan u Mahad Celinayaa Intii ka Qayb Qaadatay Sida Xarunta Cilmi Baarista PDRC Hay,adda Tadaamun, Warbaahinta SBC Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Boosaaso Waaxda Arrimaha Bulshada, Radio Garowe , Puntland TV ,Jubbaland TV Radio Ergo iyo Waabari TV .
Waxaan kaloo u Mahad Celinayaa Kooxdii Samafalayaasha Ahaa ee Shaqadaas Qabtay Oo kala Ahaa Xaawo Cali Kaar Dalladda Ungom Dr Maxamuud Yariisow , Faadumo Yuusuf Taxadar , Ismaaciil Xaaji Xaraash iyo Mohamed Abdiqadir Ali Igaal
Waxaan kaloo u Mahad celinayaa Maddaalayaasha Booliska Xiriiro iyo Dallada Dhalinyarada NEDYO oo Had iyo Jeer u Taagan inay Caawiyaan Bulshada
Gabagabada Waxaan u Mahadcelinayaa Hawlwadeenada Caafimaadka ee Xiriiro oo Har iyo Habaynba u Taagan Dawaynta Bukaanada Dadka soo Guuray.

Sawirrada Hoos Ka daawo

 

16265270_1416679935069949_7984512108115281098_n 16266240_1416679545069988_6739943086273531693_n 16298895_1416677521736857_7003156462215640701_n 16299217_1210333429062397_6090127854857227678_n 16299426_1416675095070433_6781321954226072761_n 16299507_1210331399062600_472876658092751316_n 16299525_1210333519062388_4144129822683785027_n 16387073_1210335105728896_2669831592792138791_n 16387113_1210333629062377_1767931261601882058_n 16387137_1210331775729229_5044883527584406781_n 16387161_1210332369062503_3868586310460079746_n 16387163_1210329362396137_3280426721645668837_n 16387187_1210331522395921_261451566321133963_n 16387428_1416677035070239_1212473485445055054_n 16388132_1210329822396091_7158235316730769490_n 16388176_1210332225729184_3482898886777903820_n 16388265_1210329659062774_3477509382210016337_n 16388267_1210329742396099_6413905000790902023_n 16388302_1416678238403452_2993155086029470105_n 16406408_10155044967099602_1471712229386313274_n 16406432_1210333792395694_4228309707485963867_n 16406487_1210329995729407_459576376468947919_n 16406516_1210328865729520_1734173542374484750_n 16406909_1210334565728950_4958265554019131011_n 16425749_1210330879062652_615107465092108291_n 16425772_1210332045729202_6639030604662810045_n 16425904_1210329085729498_2790708165852851048_n 16426030_1210329605729446_8108114012473995116_n 16426158_1210334432395630_5154132004182735209_n 16426158_1210334722395601_4937733581823737663_n 16427628_1210334889062251_299452075408103534_n 16427805_1210331029062637_99952091408517900_n 16473050_10155044966359602_2403604610350274557_n 16473521_1210330205729386_6814809096700805584_n 16473571_1210334085728998_6814767692062809737_n 16473620_10155044965969602_61734061596436304_n 16473786_1210329522396121_7525454263966223056_n 16521855_1211012222327851_408496445_n
Gurmadka Abaaraha Puntland
Guddiga Biyaha Raashinka iyo Dib u Dajinta
Samafale Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey
#@ Dalkaaga iyo Dadkaaga Daacadnimo ugu Shaqee

About The Author