Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Muqdisho kulan muhim ah kula qaatay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Deeq Sulaymaan Yuusuf oo magaalada Muqdisho arrimo shaqo u jooga ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Sweden u fadhan dalka Soomaaliya Ambassador Mikael Lundvall.

Agaasimaha iyo danjiraha ayaa kulankooda ku lafo guray arrimo la xiriira siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka, abaaraha kajira Puntland iyo xiriirka ka dhexeeya dowladda Sweden iyo Puntland oo ay qayb ka tahay taageerada ay dowladda Sweden siiso Puntland.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ku bogaadiyey danjiraha sida laab furnaanta ah ee uu usoo dhoweeyey isagoona sidoo kale uga mahadceliyey taageerada buuxda ee ay dowladda Sweden ka fuliso Puntland.

Warbixin faahfaahsan oo uu agaasimuhu kaga hadlayo xaaladda abaarta baahdey ee ka jirta Puntland iyo taageerada ay Puntland ka dalbanayso beesha caalamka ayuu soo jeediyey isagoona sidoo kale intaa sii raacsiiyey qorshaha dowladda Puntland ee ah in ay dalka ka qabsoonto doorasho ku dhisan hufnaan iyo bedqab.

Danjire Mikael ayaa bogaadiyey socdaalkii gurmadka ahaa ee uu Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ku tegey gobollada ay isugu tageen dadkii Soomaaliyeed ee kasoo hayaamay dhulkii ay abaarta ba’ani saamaysay.

Sidoo kale danjire Mikael ayaa xusay in dawladdiisu ay tahay guddoomiyaha golaha ammaanka ee Qaramda midoobey isla markaana ay shirweynaha uga ololayn doonto sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahey ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale  danjiruhu waxa uu si weyn usoo dhoweeyey xukunkii caddaaladda ahaa ee ay dowladda Puntland ku fulisey dhallinyaradii falka kufsiga ah ka geystey degmada Galdogob ee gobolka Mudug, waxaana uu tilmaamay in caalamka oo dhammi dagaal adag kula jiro dabargoynta falkaan waxashnimada ah ee kufsiga.

—DHAMMAAD—

Sawirrada Hoos Ka Daawo

16521610_1297036760360723_1649750395_n d

About The Author