Dhagayso:-Dufaan Kajidha Qaar kamida Xeebaha Puntland

Kacsanaanta bada ayaa gaadhay xeer biyihii ay la tagaan marsada ay ku xirnaayeen doonyuhu ayay kala tagtay dhowr doonyood waxaana jira kacanaan xoogan oo badu sare u kacday dhamaan doonyihii ayaa laga soo saaray waxaana gabi ahaanba jirin wax qoraxa.

Dadka ayaa waxaa ay sheegayaan in dabaylahaan aysan jirin wax roob ah oo weheliya xeebahaan ka jidha gobolada bari,kar kaar iyo gardafuu waana dabayl aysan mudo 2o sano ah aysan arag dadka kaluumaystadaa ee ku dhaqan xeebaha kala duwan.

Inta badan waxaa aad u kacsan xeebaha goboladaas kaliyaha xeebaha ayaa la arki karaa cirka iyo dhulkuna waa madow waxaa cabsi xoogan muujinaya dadka kaluumaysataa oo qaar kamida agabkii kaluumaysiga ay dabayluhu kala tageen.

Deegaan xeebeedka tooxin oo kamida meelaha dabaylaha xoogan ka jiraan ayaa waxaa qaar kamida odayasha deegaanku walaac xoogan ka muujiyeen kacsanaanta bada oo sare u kacday mudo aad u fog waxaana jira dabaylo xoogan oo wali soconaya

Hoos ka dhagayso mid kamida odayaasha 

About The Author