Dhagayso:-Aas Qaran Oo Boosaaso Loogu Sameeyay AUN Madaxweynihii Hore Dowlada Puntland Gen Cadde Muuse

Maanta magaalada boosaaso caasimada ganacsiga dowlada Puntland waxaa aas qaran loogu sameeyay AUN madaxweynihii hore dowlada Puntland Gen Maxamuud muuse xirsi( Gen Cadde Muuse) waxaana aaska qaran ka qayb galay duubabaka dhaqanka soomaaliyeed kuwooda ugu sareeya.

Masuuliyiin heer faderaal ,madaxda ugu saraysa dowlada Puntland isimada ugu waawayn deegaanada dowlada Puntland ayaa waxaa ay ka qayb galeen aaska qaran iyagoona halkaasi kaga hadlay wanaagii uu lahaa Allaha unaxariisteen Gen Cadde muuse iyadoo u tacsiyeeyey eheladiisa iyo ummada Puntland.

Maanta ayaa maydka allaha unaxariisto  madaxweynihii hore dowlada Puntland Gen Maxamuud muuse xirsi( Gen Cadde Muuse) waxaa laga soo dajiyay garoonka diyaaraha ee magaalada boosaaso waxaana marxuumka uu istbuucii hore ku geeriyooday magaalda shariga ee dalka isku taga imaaraadka carabta.

Dhamaan khudbadaha Hoos ka dhagayso

About The Author