Dhagayso:-Dhalinyaro Ku Xiran Maraykanka Oo Cabasho ka muujiyay Saafarada Soomaliya

C/qaadir Carays cali waxaa uu kamid yahay dhalinyaro Soomaali ah oo ku xiran  dalka maraykanka gaar ahaan magaalada Alapama ayaa waxaa ay sheegeen in markii hore dhalinta soomaaliyeed ee safarka dheer usoo gala dalka maraykanka ay xabsi kadib sharci kaheli jireen dalkaas ama uga gudbi jiree dalalka udhow sida Canada.

C/qaadir ayaa sheegey in sanadkii tagay bishii saddexaad  markii safaarada soomaaliya safiir loo magacabay dhalinyarada lagu wargaliyay in Soomaaliya safaarad ku yeelatay maraykanka  safiirkaan uu diyaar u yahay inuu dhalintaas uu soomaaliya u celiyo madama soomaaliya nabad tahay.

Waxaa uu muwaadinkaas intaa ku daray in dhalinta magaalada ku xiran oo lixdan gaaraya labiyo toban kamida dhawaan laga dajiyay magaalada muqdisho waxaana uu walaac ka muujiyay safarka ay soo galeen iyo dhaqaalaha kasoo baxay waxaana uu ku eedeyay safiirka uu dhalintan celinteeda masuul ka yahay.

Hoos ka dhagayso

About The Author