Dhagayso:-Maamulka Gobolka bari Oo Soo Bandhigay Qorshayaal Amaanka Lagu Sugayo

Gudoomiyaha gobolka bari yusuf Maxamed wacays ayaa waxaa uu bulshada boosaaso ugu baaqay inay maamulka iyo laamaha amaanka gacan kasiiyaan hirgalinta qorshe yaal cusub oo amaanka lagu xaqiijiyo waxaana qorshahaan uu xadidaya dhaq dhaqaaga gaadiidka iyo isticmaalka wadooyinka.

“marka la sameeyo wax cusub dadku horey uma qaataan qaylada badanaysa wareerka badanaya ninbaa wuxuu oranaya garoonka cidii iiga imaanasa ee hotelka dagaysa xagay kasoo wareegeysaa anagu dooran mayno wadooyinka halgan baa loo mara iska imaan inta dagan ba wadada dhisatay ayuu hadalkiisa raaciyay mudane Dhade.

“Waxaan rabnaa in amnigii gacan nalaga siiyo lanoona dulqaato markaan leeyahay hanaloo dulqaato qof xun baa raadinaynaa qof xuna qof wanaagsan buu nala galayaa marka waa in gacan nalagasiiyo amniga sugidiisa talana wan ogol nahay ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka bari yusuf Maxamed wacays.

Gudoomiyaha gobolka bari yusuf Maxamed wacays oo hadlayay  wadooyinka ayaa sheegey in magaalada laga soo gali karo wadada hotel huruuse iyada kaliyana laga aadi karo garoonka diyaaradaha wuxuu sheegey in gaarigii la arko isagoo wado kale isticmaalaya lasoo celinayo.

Hoos ka dhagayso

About The Author