Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa Isaga umuuqdee (Qeybtii Afraad)

26 Dec  2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa qormadii 4aad ee Taliye Jeeniqaar uu si qoto dheer ugu iftiiminayo xaalada magaalada Gaalkacyo, hoos ka akhriso qaybta afraad.

23

Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa Isaga umuuqdee (Qeybtii Afraad) 

Markii in muddo ah meeshii joognay aadna ay maskaxdayda ugu wareegayso xaaladdii labada qof ee cadddaanka ah ayaa waxaa noo yimid duqa oo ahaa cidda aan sugaynnay. Waana is raacnay oo waxaan aadnay meeshii aan u soconnay.

Waxa aan galnay shirar kala duwan. Dadkii aan la kulannay waxaa ka mid ahaa dhallinyaro aad u dhiirran oo labada dhinacba isugu jirtay. Dhallinyaradaasi waxa ay markii hore na ay aad uga qeybqaateen soo dhawayntii taliyaha.

Waa dhallinyaro aan aad ula dhacnay shaqada ay hayeen. Waxa aan ka xusi karaa dhallinyaro la baxday (Madasha Isdhexgalka Dhallinyarada Gobolka Mudug) kuwaas oo ay sameeyeen dhallinyaro labada dhinacba isugu jirta, had iyo jeerna had ba dhinac magaalada aada, aadna isugu xiran oo isu jecel.

Waan is waraysannay dhallinyaradaas, waxa ayna nagala qaybgaleen kulammo dhowr ah. Duhurkii ayaa aadeen iyaga oo midaysan casumad ay ka heleen madaxweynaha Galmudug mudane Xaaf, annaguna shir kale ayaanu galnay.

Qiyaastii labo saac oo habeennimo ayaa aan annagu nimid aaggii Huteel ‘Five Star’ waxa ii yeeray qeyb ka mid ah dhallinyarada. Waxa ay ii sheegeen in caawa magaalada xabbado badan ka dheceen ayna qasantahay. Sidaas darteedna ciidanka ay ka rabaan in ay dhallinyarada dhanka Puntland u socota dhaweeyaan.

Aad baan u daallannaa anigu, culaysyo badanna waa i saarnaayeen. Laakiin, hadalka dhallinyaradu waa i taabtay waana i saameeyey. Waxa aan aad uga xumaaday in dhalliyaradii aan shaqadooda arkay ay laftoodii caawa gudbi la’yihiin!

Waxa aan u soo baxay bannaanka huteelka, waxa aanna toos u galay gaari ciidan oo ay leeyihiin ciidan ka mid ah daraawiishta Galmudug. Waxa aanna u sheegay in aadi doonno dhanka kale. Waana israacnay. Gaarigaas waxaa saaran qiyaastii 14 askari. Saddex gaari oo ay dhallinyaradu wateen iyo annagu waa isasoo raacnay illaa aan soo gudbinnay dhallinyaradii.

Markii aan ka soo laabannay ee aan nimid dhanka Galmudug ayaa aan ciidankii fayliyey. Waxa aanna weyddiiyey cidda aan qaadnay in ay aqoon u lahaayeen. Waxa ii sheegeen in aysan wax xog ka hayn.
Waxa aan ku iri: ” dadka aan qaadnay waxa ay ahaayeen dhallinyaro Soomaaliyeed oo reer Puntland ah, waxa ka tagayeen qeyb ka mid magaaladoodii (Gaalkacyo), waxa ayna u socdeen dhan kale oo isla magaalada ka mid ah! Kama aysan kala gudbayn xudduud u dhaxaysa labo magaalo oo is neceb, ama xudduud u dhaxaysa labo gobol oo aan la is tusin, sidoo kale na kama aysan kala gudbayn xudduuda laba waddan oo colaad adagi ka dhaxayso.

Cidda ay ka baqayeen ma ahayn cid kale e, waxa ay ahayd idinka sii dhaweeyey!! Ma tahay wax loo dulqaadan karo! Anigu cadow kama dhigan karo iimana ahan qof reer Gaalkacyo ah ama reer Mudug ah, cidda ila socotaa waa idinka hadda”
Markii aan hadalka dhammeeyey anigoo qiireysan ayaa aan eegay wajiyada askarta. Dhammaantood ilmo ayaa ka qubanaysay. Anna aniga oo ilmaynaya ayaa aan kor u fuulay huteelka waxaa dareemay murugada askarta shacabkii ka agdhawaa oo u qaatay in dhanka Puntland markii ay aadeen wax soo gaareen. aniga ilmayanaya ayaa taleefoon ii soo dhacay..
ka dib maxaa dhacay? La soco qeybta Shanaad IA.

Halkan ka akhriso qormadii koowaad:

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee (Qeybtii Labaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Ugu Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee! (Qeybtii Saddexaad)

304

W/Q: Taliye Jeeniqaar.

About The Author