Sawirro: Wafdigii Puntland ee Itoobiya ku sugnaa oo shirar kala duwan kula yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Itoobiya & Hay’adda Kastamyada

04 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wafdigii Puntland ee Itoobiya ku sugnaa oo sii wada booqashadoodii rasmiga ahayd ee ay ku joogaan Magaalada Addis Abeba ayaa shirar kala duwan kula yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Hay’adda Kastamyada Dalka Itoobiya.

Shirarka waxaa kale oo goob joog ka ahaa Qunsulka Guud ee Dowladda Itoobiya u fadhiya Dowladda Puntland.

Shirarka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

Waftiga Puntland iyo Madaxda hay’adda Kastamyada Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa isla gartay in la dedejiyo hawlgalinta Kastamka Tuurdibi iyo goobaha kale ee laysaga gudbo.

Shirarka ay Guddigu la yeesheen Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka (Transport and Logistics Ministry) iyo Madaxda Kastamyada ayaa ku soo dhammaaday is faham iyo in si deg deg loo bilaabo iskaashi dhinacyo badan leh, una faa’ideynaya danaha horumarineed ee Puntland iyo Itoobiya.

About The Author