Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dalka ka cayrisey safiirkii Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, xirtayna Qunsiliyadihii…

04 Apr 2024 (Puntlandes.com) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka cayrisey safiirkii Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, sidoo kalena shaaca ka qaadday inay xirtay Qunsiliyadihii Hargeysa iyo Garoowe ay Itoobiya ku leedahay.

Golaha wasiirada ayaa qaraar ku soo saaray go´aankaan, iyadoo tallaabadaan ay imanayso xilli shalay Itoobiya maqaam-sare ku qaabishey wafdi ka socda Puntland.

About The Author