Sawirro: Puntland iyo Itoobiya oo ka wadahadlay sidii loo furi lahaa Kastamyada

04 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wafdiga Dowladda Puntland ee ku sugan Itoobiya oo sii wada kulamadooda  Abeba ayaa shirar kala duwan kula la yeeshay Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka Dowladda Ethiopia oo uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda iyo Hay’adda Kastamyada Dalka Ethiopia.

Wafdiga  ayaa kulankii ay la qaateen Hay’adda Kastamyada wuxuu ku soo si wanaagsan oo ay labada dhinac isugu afgarteen waxyaalihii ay ka wadahadleen.

Labada dhinac waxay ka wadahadleen sidii loo furi lahaa Kastamyada Puntland ee ay la wadaagto Itoobiya, kuwaas oo kala ah:

1.Tuurdibi

2.Darusalaam

3.Buuhoodle.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen, in la qabto gudi Farsamo oo kasoo shaqeeya arimaha farsamada u baahan oo ay ku jiraan dhamaan goobaha Muhimka loo arko.

Sidoo kale labada dhinac waxay muujiyeen siday labaduba ubdaneynayaan hirgelinta waxyaalaha lagu heshiiyey. Shirarka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya.

About The Author