Puntland ”go´aankii xiritaanka Qunsilayada Garowe ma khuseeyo Puntland”

04 Apr 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay qaraarkii ay DFS ku xirtay Qunsilayadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargaysa, kuna cayrisay Safiirkii u fadhiyey Muqdisho.

Puntland ayaa saxaafadeedka ku tiri ”waxay dawladda Puntland caddaynaysaa inay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyayaasha arimaha Soomaaliya, isla markaasna go´aankii xiritaanka Qunsilayada Garowe aanu khusayn Puntland”

”go´aankii ka soo baxay Muqdisho 4tii Bisha April 2024, ma ahaynmid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin, iyo hagardaameyn ala daba joogo shacabka Puntland laguna majaxaabinayo federaalaynta Soomaaliya”

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

About The Author