Dowladda Puntland Oo Saxiixday Hishiis Hor Dhac Ah Oo Lagu Xalinayo Dagaalkii Gaalkacyo

1 Dec 2015 (Puntlandes) Shir uga socday Magaalada Gaalkacyo Beesha Caalamka, Puntland, Jubaland iyo DFS ayaa waxaa la isku afgartey in Puntland saxiixdo heshiis hordhac ah oo ka kooban afar qodob oo kala ah:

  1. Xabbad joojin
  2. Ciidamada oo la kala qaado
  3. Dadkii qaxay oo la soo celiyo
  4. Wada hadal dhab ah oo la galo

Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa qodobadan qalinka ku duugay,waxaana xubnaha beesha caalamka ee shirka goob jooga ka ahaa Wakiilo ka socday IGAD, Midawga Yurub, Midowga Afrika iyo Xubno kale

161a

Faahfaahin ku saabsan Xaalada GUUD ee Gaalkacyo, shirarka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

About The Author