Falanqayn: Cabdiqaybdiid xagge ku dambeeyey?

1 Dec 2015 (Puntlandes)  Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Cabdi Qaybdiid uu hogaaminayey dagaalkii 28 nov 2015 ay DFS iyo maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug kusoo qaadeen magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan waxa uu Cabdi Qaybdiid hogaaminayey Ciidamada Cadaado laga keenay ee DFS.

Sidee buu ahaa Cabdi Qaybdiid

161a2

Cabdi Qaybdiid ayaa caan ku ahaa nin muuqda aana la gaban waxa uu aaminsan yahay haday xataa xun tahay, wuxuu kaloo caan ku ahaa inuu Puntland isku dhereriyo uuna ahaado ninka ugu horeeya oo jecel inuu wax ku qabsado Puntland.

Cabdi Qaybdiid ayaa waxaa lagu xusuustaa hadalkiisii ahaa “Fad ama ha fadin waa la idin Fadsiis” oo uu ka yiri markii 30 july 2014 ay Kooxda DAMUL JADIID kaga dhawaaqday Villa Somalia in ay samaynayaan maamul Goboleed ka kooban Gobolada Mudug iyo Galgaduud, isagoo ula jeeday inuu reer Puntland ku sandulayn doona inuu Qaato Gobolka Mudug.

Cabdi Qaybdiid  ayaan hadlin dagaalkii 28ka ka dib isagoo caaan ku ahaa inuu ka hadlo Colaadaha, laakiin waxaa dad badan kusoo baraarugeen markii shalay Raysul wasaaraha DFS iyo Wafdi uu hogaaminayey ay la kulmeen Hogaamiyaha Maamulka aan Dastuurka waafaqsanyn ee Galmudug C/kariim, iyadoo uusan ka muuqan Cabdi Qaybdiid  oo ah nin jeclaa inuu muuqdo.

Waxaa shirkaas ka dhex muuqday Caalim oo uga horeeyey Cabdi Qaybdiid madaxtinimada Galmudug, laakiin Cabdi Qaybdiid ma joogin lamina hayo meel uu ku sugan yahay.

Xaggee iminka ku sugan yahay Cabdi Qaybdiid?

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay samaysay baaritaan ku saabsan meesha uu iminka ku sugan yahay Cabdi Qaybdiid, iyadoo ogaatay Warbaahinta Puntlandes inay ugu war dambaysay 28kii nov 2015 isagoo hogaaminayey Ciidamada DFS ee ka qayb qaatay dagaalkaas, iyadoon helin war cadayn leh oo ku saabsan inuu ku dhintay Dagaalkas.

Aragtida Shacabka Gaalkacyo ee Puntland

Warbaahinta Puntlandes waxay la xiriirtay dadka ku nool magaalada Gaalkacyo qaybteeda ugu balaaran ee ay Puntland ka taliso, waxayna aaminsan yihiin in Cabdi Qaydiid wax wayn ay ku dhaceen maadaama la waayey hadalkiis iyo aragtidiisaba, waxayna qabaan inuusan Cabdi Qaybdiid ahayn nin Colaada iyo Shirarka magaalada Gaalkacyo ka socda ka aamusi lahaa.

Aragtida Shacabka Xaafada Baraxleey  ee koonfurta Gaalkacyo

Waxay kaloo ay Warbaahinta Puntlandes la xiriirtay dhanka Xaafada Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo waxayna dadka ay la xiriirtay ugu jawaabeen “ma naqaan meel uu jiro, malaha Xamar buu jiraa….”

Cabdi Qaybdiid?

Waxaa hubaal ah inuusan ahayn Cabdi Qaybdiid nin sidaas ku qarsoomi lahaa ama ku aamusi lahaa, wuxuuna ahaan lahaa gacan yaraha C/kariim??

About The Author