Dhegayso: Nabadoon Raage Maxamuud Gaani ”Xalka Gaalkacyo waxa uu ku jiraa in Puntland maamusho”

1 Dec 2015 (Puntlandes)  Nabadoon Raage Maxamed gaani oo ka tirsan nabadoonada magaalada Gaakacyo ee Puntland ayaa ka hadlay sida kaliya ee Gaalkacyo nabad waarta uga hirgeli karto taasoo ah inay Puntland oo kaliya ka taliso dadka Baraxleey na ay uga dambeeyaan Puntland maamulka magaalada.

Heshiiskii Gaalkacyo lagu wada degay ayaa sheegayey in beesha Koonfurta Gaalkayo ay shibil ahaan ugu noolaan karaan magaalada Gaalkayo, waxaana uu sheegay in qoodbaas la jabiyay haatan ayna taasi ku timaaday tanaasulka Bulshada Gobolka Mudug.

159b2

Nabadoon Raage ayaa sheegay in imaansha ay Gaalkacyo imaadeen Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, madaxweyne Axmed Madoobe, madaxweyne Shariif xasan iyo madax DFS ka socata ay tahay mid lasoo abaabulay ayna u ogyihiin cidda soo abaabushay. Nabadoonka ayaa wuxuu dadka Xusuusiyey inaysan xalka Gaalkacyo ka go’in Amb Kay ama maamul ama cid kale ee ay ka go’ado dadka GAALKACYOOD.

Dhegayso Waraysiga Nabadoon Raage qaybta 1aad


Dhegayso Waraysiga Nabadoon Raage qaybta 2aad


Puntlandes.com

About The Author