Faallo: Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo

1 Dec 2015 (Puntlandes) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo dagaalo ay kusoo qaadeen DFS iyo Maamilka aan dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug intii badnayn shacabkii ku noolaana ay ka barakaceen ayaa ahayd maanta mid ku jirta jawi Colaadeed sidii maalmihii ka horeeyey ay ahayd.

158ab

Jawigan Colaadeed ayaa kusoo aadaya iyadoo ay magaalada ku sugan yihiin wafdiyo ka kala socda:

  • DFS oo iyadu qayb ka ahayd dagaalka
  • Wakiilo ka socda Beesha Caalamka sida IGAD; Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo kuwo kale
  • Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe
  • Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha KGS Shariif Axmed

Madaxweynaha Puntland ayaa isna u yimid qaabilaada wafdiyadaas, waxaana isagana aan meesjha ka maqnayn C/kariim oo ah Horjoogaha Xaafada baraxlerey oo isna u jooga xaafadaas in Beesha Caalaku la kulan siiso madaxweyne Gaas.

Maanta maxaa dhacay?

Maanta waxaa dhacay shirar badan oo ay Beesha Caalaku la lahyd dhinacyada kala duwan taasoo ujeedkooda ugu wayn ay ahayd sidii loogu cadaadin lahaa madaxweyne Gaas bal inuu mar la kulmo C/kariim oo aad u doonaya arintaas. Ilaa hadda lama hubo inuu la kulmi doono iyo in kale laakiin hadduu Gaas la kulo C/kariim wax ay soo kordhinayso iyo nabad ay keenayso midna ma jiraan!!

Maanta waxaa kaloo dhacay ugu yaraan laba dagaal oo goos goos ahaa kuwaas oo looga dilay Malayshiyada xaafada Baraxleey hal nin loogana dhaawacay 4 kale halka ay iyaguna hal Askari ka dhaawaceen Puntland. Waxaa ka jira magaalad Dhiilo Colaadeed oo tii abid  u darnayn ah taasoo meel xasaasi ah maraysa.

C/kariim muxuu ka doonaya la kulanka Gaas?

C/kariim wuxuu ka doonayaa in wax laga siiyo canshuurta ay dadka reer gaalkacyo siiyaan maamulkoda Puntland, wuxuu kaloo doonayaa inuu helo Koontroolka koonfureed iyo qaybo ka mida dhismayaasha dawlada Puntland!! CAJIIB RIYO….

Gaalkacyo Masiirkeeda waxaa leh reer gaalkacyood

Waxaan shaki ku jirin in runtu ay tahay in nin walbaa uu Gaarigiisu qaado, Gaalkacyo Masiirkeeda waxaa leh reer Gaalkacyood ee malaha Kooxda DAMUL JADIID iyo Gen GABRE iyo wixii la hal maala.

Wixii war ah ee kusoo kordha xaalada magaalada Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author