DEG DEG: Madaxweyne Gaas & C/kariim oo kulmaya kadib markii Beesha Caalamku ku cadaadisay Gaas

2 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadaadis uga yimid Beesha Caalamka kadib ugu dambayn aqbalay inuu la kulmo hogaamiyaha maamulka Cadaado Cabdikariin Xuseen Gulled.

Goor dhow ayaa waxa la filayaa inuu kulanku ka qabsoomaya garoonka diyaaraddaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada magaalada Gaalakcyo.

Xubno ka socda beesha caalamka ayaa garoonka ku sugan iyo wafdiga Raysul wasaarahe Sharmaake, kuwaas oo garwadeen ka ahaa kulanka labada mas’uul oo noqonayso markii ugu horeysay ooay is horfadhiisandoonaan.

La kulanka Cabdikariim ee ay Beesha Caalamka ku qasabtay madaxweyne Gaas waxba masoo kordhinayso.

Kala soco Warbaahinta wixii kusoo kordha wararka Gaalkacyo

About The Author