Sheekh Maxamed Sh Cabdulahi oo Degaanka HEEMA ku Casuumay wafdigii Sharmarke, Axmed Madoobe &Gaas

6 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Raysul Wasaaraha  DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta waxaa Casuumad ugu sameeyey Deegaanka Heemo oo qiyaastii 25 KM dhinac waqooyi uga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi (Baardhhere).

Deegaanka Heemo ayaa ah xarun diimeed ayna kasaoto waxbarasho Diineed iyo mid maadi ah ayaa waxaa wax ku barta Dad aad u fara badan oo ka kooban Caruur iyo dad waawayn.

Sheekh Maxamed oo ka mida Culimada waawayn ee Soomaaliya, horayna Fadhigiisu u ahaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku martiqaaday maanta Deegaanka Heema Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Faahfaahin kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author