Xasan Sheekh Maxamuud; “Mukhtaar Roobow waa la afduubtay “

17 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay xarriga Mukhtaar Roobow mid afduub ah oo sharci darro ah isla markaana u xiran arrimo siyaasadeed.

Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga weydiyay xiritaanka Mukhtaar Roobow, xilli uu ka qeybgalayay barnaamij ka socday barta Twitter Space ayaa sheegay in sidii loola tacaalay Mukhtar aanay sax aheyn.

“Waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.”

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaa ku daray in arrintan ay gebi ahaanba curyaamisay go’aannada laga yaabo in ay qaataan saraakiisha sar sare ee ka tirsan Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay isku soo dhiibaan.

“Dowladda Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanayd doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

About The Author