Sawirro: Wasiirka Duulista Puntland oo kulamo kula qaatey Addis Ababa madax ka tirsaan dalka Itoobiya

06 Apr 2024 (Puntlandes.com) Wasiirka wasaaradda duulista Hawada dawladda Puntland  Cabdillaahi Bile Nuur iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulamo kula qaatey madax ka tirsaan dalkaas ah, ka dib is-afgaradkii ay Puntland iyo Itoobiya gaareen.

Weftigan Duulista Hawada ee Puntland ayaa la kulmay Wasiir Dowlaha Gaadiidka Itoobiya Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin tasew Bekele.

Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadu la qaateen Madaxda Dalka Itoobiya ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, Kor u qaadida Duulimadyada Diyaarada Ethiopian airlines ay ku timaado Puntland oo lagu soo kordhinaayo Diyaaradaha xamuulka qaada ”Cargo Fly” iyo Sidii loo siin-lahaa shaqaalaha Wasaaradda Duulista Dawladda Puntland tababaro iyo deeq waxbarasho ”Scholarship”.

Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo sidii Madaxda Itoobiya iyo Puntland ay iskaaga kaashan lahayeen Arrimaha kor ku xusan.

About The Author