Xog Culis: Arin qatar ku ahayd minimada dadka wada dhashay iyo nabadgalyada Gobolka Mudug oo laga hortagay

0

Bursaalax :  Iyadoo aanu wada ognahay in Xasan Culusoow iyo kooxdiisa ay wadaan isku day inay bililiqaystaan Gobolka Mudug iyo dadkiisaba.

Ayaa kooxo kala duwan oo heshiis kula ah Xasan Culusoow in ay ka jaraan Gobolka Mudug Puntland waxay soo qorsheeyeen arin halis ku ah midnimada Beelaha wada dhashay ee Cumar Maxamuud iyo guud ahaan nabadgelyada Gobolka Mudug. Wuxuuna hadafka ay ka lahaayeen, uu ahaa sida quburo dhinaca istiratiiyada ay xaqiijiyeen, in ay dagaal iyo tashuush ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah si ay u sahlanaato in Gobolka uu u bililiqaysto Xasan Culusoow iyo taageerayaashiisa.

Kooxda qorshahan soo hindistay ayaa waxay ka kooban tahay dhawr kooxood oo isku hadaf ah.

  1. Madaxtooyada Puntland
  2. Qaswadayaasha Gobolka Mudug
  3. Kuwo Fadhigoodu yahay Burtinle

Kooxdani waxay isku daygoodii arintan halista ah amreen soona adeegsadeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug Tigeey.  Waxayna ku amreen in uu u magacaabo Gudoomiyaha Magaalada Bursaalax Afdheere Shiikh Cabdulahi Maxamuud Gurey oo laga soo diray magaalada Bayra.

Afdheere isagoo jiri wata ayuu weerar ku soo qaaday Magaalada Bursaalax.

Markii hore waa la soo celiyey Afdheere iyo jiridiisii, dad baana isaga dhaawacmay beesha Bursaalax dhexdeeda.

Qorshaha kooxdan oo halista ahaa wuxuu ahaa in la isku dhufto beelaha walaalaha ah ee Reer Khalaf iyo Reer Maxamed Faarax

Arinta oo halkaa maraysa ayaa waxaa soo farageliyey Amiirka Beesha reer Khalaf ee Bursaalax oo amar ku bixiyey in loo daayo gudoomiyaha magaalada Bursaalax Afdheere Shiikh Cabdulahi Maxamuud Gurey mudo sanad ah.

Reer Bursaalaxna waa adeeceen amarkii Amiirkooda. Sidaasaana xaalkii ay soo maleegeen qaswadayaal isbiirsaday lagu qaboojiyey.

 

Xafiiska Bursaalax

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *