Hagardaamooyinka Dr Gaas ee Puntland oo ay sabta u tahay daba socodkiisa Xamar

0

Waxaynu maqalay xiriir baa la jaray, laakiin reer Puntland ma ogeyn meel lagu heshiiyey. Arrintaas wax badan baa laga qoray oo waa la ogaa in uu jiray xiriir qarsoon oo u dhexeeyey Gaas iyo qolyaha Xamar. Qoraaladaas dadkeenu dhagahay ka furaysteen, waxayna si fudud u aamineen Dr Gaas oo marka la waydiiyo xiriirkii jarraa ee Puntland iyo Qolyaha Xamar in wax iska bedeleen iyo in kale. Wuxuu ku jawaabi jirey, erayo marin habaabis ah, sida wali waa jaran yahay, waxbaa inooka xumaanaya hadaynaan la heshiin Xamar (ma jiraa wax ka xun in adiga iyo dhulkaagiiba la boobay, taas Gaas baan u daynaynaa jawaabteeda), gudi baan usaarnay in ay soo dersaan, annaga waa naga diyaar gudigii wada xaajoodka! iyo been abuur badan oo taas la mid ah oo ay ka mid ahayd, hadii Dawladii iga horreysey aanay gorgortan ka geli jirin masiirka Puntland tayduna ka geli mayso!!.
Ma idin latahay in uu maanta run sheegayo markuu leeyahay xiriirkii baan jaray?
Jawaabta dhabta ah ee xaqiiqda ah waa maya. Ama dhagaheenu ha jeclaysteen ama ha nebcaysteene. Taasna waxaa loo hayaa daliilo dhab ah.
Waa midda koobaade, in uu wixii uu ugu yeeray shirkii deg degga ahaa uu la soo daahay muddo 48h, saacadood ah oo markii guuxii dadwaynuhu ku batay baraarugay goor layaaban yahay, oo waliba u fiirso, maalinta galabteeda ay xukuumadiisu fariisatay galinkeedii hore umuusanba ekayn nin dhulkiisii la xalaalaystay (taasi ama ha usocoto ama yey usoconine) oo isga qoslaya buu inta kaamirooyin geesaha iska dhigay jardiinooyin dadkale suurto geliyeen furayey. Hadaladiisina waxaa kamid ahaa ” waxaan kaloo soo wadnaa mashaariic 200 oo maljan ah ee udiyaar garooba” oo taasna ma run baa??Faahfaahin halkan iyo Halkan riix.
Tan kale ee daliilka cad u ah waa waraysigii shalay ee Ra,iisulwasaaraha Xamar ee ahaa in ayan xildhibaanadii aaday Puntland u aadin u yeerid nin (madaxwaynaha Puntland) ee ay ahaayeen, hor dhac isaga u gogol xaaraya si uu u booqdo jimcada Puntland, taasna ay horay u qorshaysnayd oo uu ogaa Gaas aritaas (halkaa wuxuu iska dhigay in uu isagu wax u yeeray isagoo ogaa in ay imaanayaan) Halkan riix si aad u dhagaysatid. Ninkaani waa Jilaa aan caadi ahayn (waaba ”character” oo maba ahaba qof caadi ah). Hadda fiiro gaar ah u yeelo in uu muddeeyey oo yir inta ka horaysa 15 August. Wuxuu kaloo ogaa in ay Caasha Geelle ayba horay u joogtey Gaalgacyo marka uu ku dhawaaqay in xubintii waxa loogu yeeray dib u eegista dastuurka oo awalba dadku layaabanaayeen oo ka mid ahayd qodbosireedkiisii hore. Tani miyaysan marin habaabin kale iyo in laysu ekaysiiyo in wax la iska dhicinayo ahay?

214
Ra,iisulwasaaraha Xamar wuxuu sheegay in ay meel wanaagsan u marayso wada xaajood oo is faham dhacay.
Reer puntland ma is waydiiyeen waxa ninkan la doortay arintaan ku kalifaya? Arintaan keentay in xaafada Baraxley oo laga soo dhacsaday Jubooyinka iyo Shabeelada hoose in ay damaaciyaan Puntland, waa arin Cajiib ah oo aad loola yaabo hunguri xumidooda iyo waliba doqoniimada qofkaan la doortay.
Markaad fiiriso sida garawshiiyo la,aanta ah ee dadkeenu boqol boqol jeer in ka badan laga qaniiney ay wali rajada uga kaqabaan oo ay gacanta ugu ridanayaan (sidii ninkii laga sheegay sow Sagaaro ima barato= war sow Gaas ma barataan??). Waxaa kuu soo baxaysa sida ajendaha Xamar laga dejiyey ee uu Gaas wakiilka uga yahay aysan joogsiga u lahayn.
Dadka reer Puntland waxaan kula talin lahaa inta qiirada iyo hadalka aan meelna haysan ee Gaas iska dayno (taageero la taageero been abuur iyo hadal tiro) aynu wadankeena dhacsano. Qofkasta waajib baa ka saaran arintaas.
Yaan loo ogolaan in wax Xamar ka socdaa yimaadaan Puntland oo aynu ku mudaharaadno si looga hor tago arintaas khatarta leh ee dadkii wadankaan loo doortay ay wax ka maleegayaan.
Misse waxaynu wali isku maaweelinaynaa in ayan taas suurto gal ahayn ?? bal xusuusta in 1991dii iyadoo saansaanta lawada arkayey oo waliba naloo digay aan inta is dhiganay la ogaa tii ka dhacday.
Bal hadaba dadow yaan idinka wax la idiin sharixine is waydiiya arintaan kor ku xusan ma dhabaa misse ma aha?
Hadaan taa lasamayn wallee, meel fog baa laga doonin.

170

W/Q Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *