Video-Sawiro: Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo xilka La wareegay

0

Garowe (Pes): Waxaa Maanta Si rasmi ah xilka ula kala wareegay Taliyiha cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob) iyadoo uu xilka kala wareegay taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyada  G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole.

 

Taliyihii Hore ee Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed oo hadal kooban ka jeediyay Goobta ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in maanta uu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob).

Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland ayuu sheegay Taliyuhu in ay yihii ciidan u taagan difaaca dalkooda,waxana ay siweyn uga qayb qaaten cirib tirka Kooxihii burcad badeedka ,Ladagalanka Ururka Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo adkaynta Xuduuda Puntland ay la leedahay Wadamada dariska ah .

‘’Waxa xamar ka socda ee Gobolada lagu saxiixanayo cid asmici karta majirto hadii gaalkacyo,Galdogob iyo Jariiban waraaqo la qor qoro lagu qaadanayo Maxay noogu casyihiin Garbuhu taasi waxa ay ka dhigan tahay qof isaga oo soo jeeda riyooday’’Ayuu yiri G/Sare Cumar Cabdulaahi Maxamed Faroole.

G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Ashkir(Qodhob) ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay sida wanagsan ee uu xilka u wareejiyay Taliyihii hore isagoona balan qaaday in uu la imaanayo shaqo hufan iyo daacadnimo .

Halkan hoose ka daawo

 

Hoos ka daawo sawirada

527

528

529

530

531

532

533

534

535

536

537

538

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *