Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland

Sabti 22 ka nov 2014 ayey ahayd markii uu Baarlamaanka Puntland hortagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax iyadoo ay xildhibaanada waydiiyeen Su’aalo ay ka mid ahaayeen sababta ay dawladu u bixin wayday lacagaha daynta ee lagu leeyahay iyo mushahaarooyinka waxuuna ku jawaabay Wasiirku sidatan ”Dekeda Bosaso oo 71% Dakhliga dawlada uu ka soo galo Dawlada maalmaha badanaa waxaa dawlada soo gala lacag dhan 9000 doolar kaliya. Bal idinku hadaad qaybin lahaydeen sidee ayaad u qaybin lahaydeen?” Faahfaahin akhri halkan riix ama halkan riix ka doowo su’aalihii la waydiiyey oo ay ka mid ahayd in uu Xilka baneeyo.

Runtii waxay ku noqday inta badan shacabka reer Puntland Yaab, amakaag iyo Filanwaa hadalkan ka soo yeeray Wasiir Shire. Taasoo dayradani ay meesha ka saarayso sababtii uu ku yimid Dr Gaas Kursiga madaxtinimada Puntland oo ahayd Isbedel, Waxqabad, Horumar iyo Cadaalad. Akhirste adigu iswaydii Magaalada Gaalkacyo kaliya ma 9000$ ka badan bay ka heshaa maalintii dawladu mise ka yar? Akhirste adigu iswaydii surtagal ma tahay in 3676,06$ kaliya ay tahay Dakhilga dawlada Puntland Maalinkii u soo xarooda marka laga reebo dekada oo ay 9000$ kaliya ay maalinkii uga soo xarooto sida uu wariirku Sheegay, Xukuumada Gaas waxaa u soo xaroota dakhli maalinkii 12 676,06$ halka uu bishii Dakhligu yahay 380282$ sanadkiina 4,6$ milyan!!

Axad 23 kii nov 2014 ayey ahayd markii uu Madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu xariga ka jaraym Xarun dhismeed cusub oo ay leedahay Jaamacada Bariga Afrika oo loogu talagalay Kulliyadaha Sayniska Gaar ahaan Waaxda Barashada Cilmiga Deegaanka ,Waaxda Barashada Caafimaadka iyo sidookale Maktabada Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe.

Waa jaanis loo isticmaalayo  ”Photo Opportunity” eeg sawiradan hoose

952

Dhismahan ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 230000$ hal doolarna Xukuumada Dr Gaas kama bixin, Akhri halkan riix.

Isniin 24 kii nov 2014 ayey ahayd markii markii Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Taxliinta Sare Cali Xaaji Warsame uu hortagay Baarlamaanka Puntland. wasiirku wuxuu waxqadabkii Wasaaradiisa ku tilmaamay heshiiskii ay Xukuumada Gaas kula heshiisay DFS in shahaadada Puntland lagu qoro magaca Wasaarada Waxbarashada Xamar.

Isla Isniin ayey ahayd markii Baarlamaanka DFS uu madaxweyne Xasan iyo Xulufadiisu keeneen Mooshin Sharcidaro wax hadala kama uusan bixin madaxweyner Gaas oo ba Puntland ka yeelay Degmo xamar ka tirsan!!!

Talaado 25 kii nov 2014 ayey ahayd markii ay markii uu Godoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi “Dhuubane”  uu Saxaafada la hadlay uuna u jeediyey dhaliil Xukuumada uu hogaamiyo Dr Gaas. Halkan ka Akhri oo Dhagayso hadaba qofku xaq ayuu u leeyahay (Xuquuq dastuuri ah) in uu Ra’yigiisa cabiro mana ahan in wax loogu Gaysto Siyaasi Fikradiisa hadlay.

Isla habeenimadii talaadada ayaa Dhuubane waxaa u soo dhacay Ciidamo ay madaxtooyadu u soo dirtay inay soo Xiraan ilaa hadana wuxuu ugu Xiran yahay madaxtooyada Puntland sifo Sharcidaro. Ururo Halkan riix, Aqoonyahano, Waxgarad iyo Qurbojoog faradan ayaa Cambaareeyey uguna Baaqay madaxweyne Dr Gaas in uu Xoriyadiisii Dhuubane si dhaqso ah u siiyo Sharcigiii lagu heshiiyeyna ilaaliyo, laakiin ilaa iyo hada dgag jalaq uma siin madaxweyne Dr Gaas.Halkan ka dhagayso baaqa Qurbojooga Puntland halkan riix si aad u dhagaysato Cambaaraynta iyo baaqyada Qurbojooga

Ma saanaa Puntland taan doonaynay? Maxaanu ula dirirnay Rajiimkii Siyaad barre haddii 2014 la isku Caburinayo Puntland? Ma 2014 ayuu madaxweyne Dr Gaas doonayaa in aanu u  Guulwadayno oo heeso iyo sacab la dabagalno? Waxaan aaminsanahay in inaga iyo madaxweyne Dr Gaas aynu sidaan si ka fiican samayn karno Puntland na ka dhigi karno meel wacan oo aan la isku caburin la iskuna Handadin.

 

Arboco 26 ka nov 2014 ayey ahayd markii uu madaxweyne Dr Gaas booqasho ku tagay magaalda Qardho iyadoo aan loo soo dhawayn sidii loo soo dhaweeyey maarso sanadkan hoos ka daawo sidii maarso loo soo dhaweeyey sawirkan hoose ka eeg sidii hada loo soo dhaweeyey

991

 

Khamiis 27 ka nov 2014 ayey ahayd markii ay Madaxtooyada Garowe shirkoodii Khamiislaha ahaa ku yeesheen Golaha wasiirada dawlada Puntland iyadoo waxa kaliya oo ka soo baxay ay ahayd ansixinta Xeerka doorashooyinka.

 

 

Waa yaabe isbedelkii ma saanuu noqday? Aaway doorkii Baarlamaanka Puntland ma la qabaa Xariga, Caburinta iyo Caga juglaynta ay Shacabka Puntland ku hayso Xukuumada uu Hogaamoyo madaxweyne Dr Gaas? Hadayse la qabina maxay uga aamusan yihiin?

945

 

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabacaada: Puntlandes.com

 

 

About The Author